illegal buy accutane onlineWelcome to Cadale site

Ku soo dhawaaw Bogga Cadaleomeprazole cheap online

cheap prevacidDaawo Quruxda Cadale

Group creation
G

dekedda cadale oo dib u habeeen lagu sameyhaayo

DAKADDA CADALE OO DIB U HABEYN  EY KU SAMEYHEYSO DOWLAD GOBOLEEDKA HIRSHABEELEbuy accutane america

Akhriso Liiska Musharaxiinta u taagan Madaxweynaha Soomaaliya

Guddiga Qaban qaabada Doorashada ayaa ku dhawaaqay inay isdiiwaan galiyeen 24-Musharax oo u taagan q..buy benicar hct 40 25.

Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Oo Muqdisho Kula Kulmay Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadban

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari”, Guddoomiye ..order celexa line.

XAFLAD TAAGEERO AH OO LAGU QABTAY WADANKA NETHERLAND

XAFLAD TAAGEERO AH OO LAGU QABTAY WADANKA NETHERLAND Waxaa xalay oo taariikhdu eheed 04/01/2017 lag...

Horumarinta Qorshaha Qaranka ee Xanaanada Xoolaha Soomaaliya oo laga hadlayo

Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo daaqa ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashaneysa Hay’..can you buy a hiv test kit.

  • dekedda cadale oo dib u habeeen lagu sameyhaayo

    vrijdag 10 februari 2017 00:00
  • Akhriso Liiska Musharaxiinta u taagan Madaxweynaha Soomaaliya

    zondag 29 januari 2017 00:00
  • Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Oo Muqdisho Kula Kulmay Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadban

    zondag 15 januari 2017 00:00
  • XAFLAD TAAGEERO AH OO LAGU QABTAY WADANKA NETHERLAND

    donderdag 05 januari 2017 00:00
  • Horumarinta Qorshaha Qaranka ee Xanaanada Xoolaha Soomaaliya oo laga hadlayo

    woensdag 28 december 2016 00:00

seroquel xr for saleMadaxwyenaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad dhinacyo taabaneysa ka jeediyay golaha shacabka ayaa xusay in talada dalka ay wax ku leeyihiin shacabka Soomaaliyeed, isla markaana laga gudbay xilligii siyaasadda dadkale ay sameyn jireen.

Madaxweyne Xasan ayaa khudbadiisa ugu horeyn baarlamaanka ka codsaday inay kalsooni badan ku qabaan madaxdooda, isla markaana ay meesha ka saaraan in iyagu laga maarmaybuy depakote online.

melatonin dogs sale“Waxaan idinka codsanaya in aad meesha ka saartaan in baarlamaanka laga maarmay, waxaan rabaa in aan idin cadeeyo in aan la idinka maarmin, kalsoonidaas intaad ku joogtaan waa muhiim” isagoo intaa ku daray in uu dadaal badan u galay in talada Soomaaliya ay Soomaalida dhexdooda ah loo daayo

“Siyaasadda manaloo sameyn karo, waxa kale waa naloo qaban karaa dhanka taageeridda amniga, dhismaha xarumo muhiim ah, tan kale siyaasad kuma sameyn karno marxaladihii adkaa ee laga soo gudbay, gaar ahaan siyaasad dad dangaar ah ka leh ma sameyn karno, balse Siyaasad danta guud ah waan sameyn karnaa, waana ku soconaa wadadeeda” ayuu yiri Madaxweynahacheap viagra sale.

Amnigabuy eos lip balm ontario

“Shilkii ugu dambeeyay ee Liido ku dhacay oo Hooyo, carruur iyo dad kale maato ah lagu laayay, dadkii ka dambeeyay dhacdadaasi waa argagixiso, waa tuug burcad ah oo u bareeray leynta maatada, kuwaasi waxa ay u baahanyihiin in Ummadda laga dhexqabto,” ayuu yiri Madaxweynaha oo hadalkiisa ku daray in maleeshiyaadka Al-Shabaab ay dadka ku dhexjiraan, loona baahanyahay in wacyi gelin guud la siiyo bulshada si gacanta loogu dhigo kooxaha dadka dhibaateynayabuy benadryl-d online.

Madaxweynaha dalka ayaa tilmaamay in hay’adaha amniga ay kala hadleen in dadka lagu soo qabto howlgallada aan dhibaato loo geysan, isla markaana lagu sameeyo oo kaliya baaritaanno lagu ogaanayo, waxaana uu intaa raaciyay in ciddii lagu arkay, iyadoo jirdil u geysanaysa laga qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsanuse of cystone tablets.

“Badbaadada Ummadda, jiritaanka Qaranimada in aan u istaagno waa waajib nalooga baahanyahay, mas’uuliyadda amniga anaga ayaa iska leh, marka waxaan rabnaa in gacan lagu siiyo hay’adaha ammaanka qaabilsan oo lagu taageero howlaha loo idmaday, sax ma ahan in dad u taagan xaqiijinta amniga aan idaacadaha ka dacayadeedu, wixii qalad ah ee jira waxa ay leedahay hab loo marsiiyo dadka madaxda u ah” ayuu hadalkiisa ku daray Madaxweynaha oo codsaday in la dhiiri geliyo hay’adaha Nabadgelyada qaabilsanorder cialis online overnight.

Madaxweynaha waxa uu sheegay in qofkasta oo ka tirsan hay’adaha dowladda looga baahanyahay inay u hogaansamaan ciidanka amniga sugaya, isla markaana goobaha baaritaannada ay ciidamada ku suganyihiin la maro baaritaanka, taasi oo uu ku sheegay inay dhiiri gelin doonto ciidankabuy augmentin generic.

Madaxweyne Xasan ayaa hoosta ka xariiqay in shilkii diyaaradeed ee dhawaan ka dhacay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde loo hayo shaqsiyaad lagu tuhmayo inay ku luglahayeen, isla markaana ay ku socoto howlo baaritaanno ah, cadaaladdana la horgeyn doono marka ay baaritaanka dhamaatocoumadin discount coupons.

Dhaqaalahabenzac ac wash buy online

Madaxweynaha oo arrimaha dhaqaalaha ka hadlayay ayaa sheegay in xoogaa horumar laga gaaray xagga dhaqaalaha, isagoo dhanka kale xusay in maleeshiyaadka Al-Shabaab ay dhalinta ku qaldeen lacag, loona baahanyahay in arrimahaasi wax laga qabto oo dhalinta mustaqbal fiican lagu horseeddolamictal buy cheap.

“Waxaan kaloo rabaaa in aan hadalkeyga ku soo gunaanado dhalinyarada u dagaallanka Al-Shabaab waxa ay u badanyihiin kuwa aan ku qanacsaneyn caqiidda kooxda Shabaab, balse ay jiraan daruufo adag oo ku kalifeysa, marka waxaa loo baahanyahay in aan u wada istaagno sidii dhalinta ay marin habaabiyeen Al-Shabaab loogu sameyn lahaa wacyigelin guud iyo shaqo abuur” ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa baarlamaanka uga mahadceliyay sharciyada muhiimka ah ee ay meel mariyeen.

Xigasho Radio Muqdishow

Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid kulankoodii joogtada ahaa, waxaana kulankan shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid, iyada oo lagu ansixiyay qodobadii ka soo baxay Shirkii Hoggaamiyaasha ee Madasha Wadatashiga Qaran ee Hannaanka Doorasho sanadkan 2016.

Hoos ka Daalaco qodobada Shirka ka soo baxay;

Baaqii Muqdisho ee 16kii Disembar ka soo baxay madasha wadatashiga qaranka waxaa lagu xusay in barlamaanka la soo dooranayo uu ka koobnaanado Aqalk Hoose iyo Aqalk Sare. Waxaa kaloo baaqaa lagu xusay in metelaadda xubnaha Baarlamaanka ay guud ahaan ku saleysnaan doonto isku dheellitirka deegaanada iyo beelaha.
Muddadii ka danbaysay 16kii diseembar wadahadalo iyo wadaxajood dheeraad ah ayay galeen madaxda dowlada fedaraalka iyo maamul goboleedadu, kuwaas oo socday intii u dhaxaysay 17-27 Janaayo 2016 kana qabsoomay magaaloyinka Kismaay iyo Muqdishibo.

Xumukumada Fedaraalka Somaliyeed iyadoo tixgelinaysa:

• Mabaadi’da ku xusnaa baaqi muuqdsisho
• Talooyikii ka soo baxay wadatashiyadii lala yeeshay dadwaynaha soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolada dalka
• Himilada iyo hiiigsida dadka somaliyeed oo hamuun u qaba in ay doorashadu ku qabsoonto mudadii loogu talo galay iyo weliba in anu jiri doonin mudo korodhsi loo sameeyo xukumada ama baarlamaanka
• Kulamadii wadadaxajoodka ahaa e dhexmaray madaxda soomaaliyeed ee heer federal iyo heer maamul goboleed oo suurto gelinwayey in la helo hal habdorasho o wadar ogol ah
• Wakhtiga kooban ee hadhay, xalaada guud ee amni, iyo tan siyaasadeed ee loo baahanyahay in laga gudbo

Iyadoo ka duulaysa qodobada kor ku xusan waxay xukumada Federaalka ee Soomaaliya soo bandhigtay hanaanka dorasho ee hoos ku xusan, oo ay u aragto inuu yahay habka ugu haboon ee lagu hirgelin karo doorshada 2016ka.

Raiisal Wasaaraha xukuumada ayaa taarikhtu marki ay ahayd 27/01/2016 la wadaagay goaanka dowlada madaxda maamul goboleedyada, barlaamaka somaliyeed iyo wakiilada beesha calaamka oo dhamantood soo dhawaayey goaanka dowlada.

AQALKA HOOSE EE BAARLAMAANKA:
• Tirada kuraasta baarlamaanka ee Aqalka Hoose waxay ahaanaysaa 275.
• Kuraasta Aqalka Hoose ee Baarlamaanka waxaa lagu salaynayaa nidaam ka 4.5.
• Ugu yaraan 30% kuraasta Aqalka Hoose ee Baarlamaanka ayaa loo qoondeyn doonaa haweenka.
• Codeynta iyo tirinta doorashooyinku waxay ka dhacayaan caasimadaha dowlad goboleedyada federaalka ee hadda jira iyo kuwa sameysmaya (iyadoo qorshe gaar ah loo sameyn doono Soomaaliland).

AQALKA SARE EE BAARLAMAANKA:
• Aqalka Sare ee Baarlamaanka I waxa la dhisi doona ka hor inta anay dhicin doorashada aqalka hoose e baarlamaanka.
• Aqalka Sare ee Baarlamaanku wuxuu ka koobnaan doonaa 54 xubnood.
• 48 ka mid ah xubnaha Aqalka Sare ayaa si siman loogu qaybin doonaa dowlad goboleedyada federaalka ee hadda jira iyo kuwa sameysmaya.
• Xubnaha 6da ah ee soo haray ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka waxaa si siman loogu qaybin doonaa Somaliland iyo Puntland, iyadoo la eegayo maqaamkooda iyo biseylkooda siyaasadeed iyo sida ay uga koobanyihiin tirada gobollada ugu ballaaran.
• Ugu yaraan 30% ee kuraasta Aqalka Sare ee Baarlamaanka waxaa loo qoondeyn doonaa haweenka.
• Golayaasha Baarlamaanka ee dowlad gobolwedyada hada jira iyo kuwa samaysmaya aya soo dooranaya Xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka
• Hannaankan waxaa la isticmaali doonaa oo kaliya xilliga Doorashooyinka 2016ka

Somaaliya laga bilaabo sanadkii 1991 ilaa 2012 dii waxaa soo maray marxalado kala duwan taasoo usuurtagelinin in loo yagleelo Hey’adihii Qaranka sidii loo rabay, taas oo sabab u tahay dagaalladii wejiyada badnaa ee lasoo maray xiliyadaas kala duwan, dhaawacna gaarsiiyey dalka iyo dadka iyo Diinta, laakiin marnaba meesha kama bixin baahida shacabku u qabaan soo celinta hey’adihii Qaranka si loo helo adeegyadii kala duwanaa, madaxda qarankana wexeey dadaal dheer ku bixisay sidii dalka loo badbaadin lahaa loogana qaban lahaa cidkasta oo ka hor imaneeyso doowladnimada Soomaaliya.

Waxaa xusid mudan xiligii ku meelgaarka ahaa in Soomaaliya ay ka muuqanin fagaaraha caalamiga ah waxaana sabab u ahaa laba arin oo kala ah: Beesha caalamka oo ka sii jeeday Soomaaliya iyo Hey’adaha qaranka oon kasoo kabsanin burburkii ku dhacay.

Horumarka Maanta

Laga soo bilaabo 2012 kii Soomaliya wexey ka baxday xilligii ku meelgaarka ahaa waxaana u furmay albaab cusub oo u hor seeday Soomaaliya soocelinta iyo dhisidda hey’adaha Qaranka ee kala duwan in kasto ay jiraan caqabado la taaban karo haddana waxaa doowladda u hirgalay arrimaha soo socdo oo ah kuwa lagu faani karo:

  1. Soomaaliya oo ka baxday ku meergaarkii noqotayna doowlad dhameeystiran soona ceshatay maqaamkii ay caalamka ku lehayd.
  2. Soomaaliya oo ka baxday magaca doowladaha fashilmay ( Failed States) ee aan ka soo kabanin dagaallada sokeeye, waxaana ku dhawaaqay arrintaasi wakiilkii hore ee Qaramada Madoobe u qaabilsanaa arrimaha Soomaaliya Nicholas Key wuxuuna sheegay in Soomaaliya u gudubtay marxalad cusub oo leh horu socod, maamul wanaag iyo deganaansho amni.
  3. Yagleelida nidaamka federaalka ah sida sameeynta maamul goboleedyada kala ah; Jubaland, Koofur-galbeed, Galmudug iyo kuwa hadda gacanta lagu hayo, wexeeyna kamid tahay arimaha siyaasada doowladda ee baahinta muulka si ay dadku uga qeeybqaataan dib u dhiska hey’adaha dowladda, heer deegaan iyo heer gobolba.
  4. Horumarka Amniga, ciiddamada doowladda oo taageero ka helaayo ciidamada AMISOM waxey ku guuleeysteen in ay ka xoreeyaan UGUS Gobolladii far ku tiriska ahaa ee gacantood ku jiray taasina waxeey horseedday in degenaasho la helo noloshuna si caadi ah kusoo laabato, qaraxyada iyo weerarrada ay kooxaha argagaxisada la beegsadan mararka qaarkood goobaha shacabku ay ku badanyihiin kuma yeelan saameeyn hor usocodka doowladnimo waxaana xusud mudan in ay jiraan dowlado ka khatar badan Soomaliya xagga amniga sida Siirya, Yaman iyo Ciraaq.
  5. Dib udhiska Ciidamada Qalabka sida, waxaa ka mid ah horumarka la gaaray in doowladda federaalka ah ku guuleeysatay in dib udhis iyo dib u habeyn lagu sameeyey Ciidamada tayo iyo tiro ahaanba leyskuna dhafay ciidamadi kala joogay gobollada dalka, taas oo muu jineeyso astaamaha Qarannimada, billow fiicanna u ah in ciidamadu hantaan amniga dalka iyo xuduudihiisa
  6. Soo celinta xiriirka diblumaasiyadeed ee caalamka, tallaabooyinka horay loo qaaday waxaa ka mid ah in uu soo laabtay xiriirkii diblamaasi ee Soomaaliya kala dhexeeyey caalamka, iyadoo ay doowlado badan ku dhiiradeen in ay safaaradohooda dib uga furtaan Soomaaliya sidoo kale, waxaa soo muuqatay kaalinti ay Soomaaliya ku lahayd siyaasadda heer gobol iyo heer caalamiba taasina wexeey keentay in Soomaaliya ay soo ceshayo dowrki diblomaasiyadeeed ee xiriirka arimaha dibadda.
  7. Ansixinta sharciyo kala duwan iyo Guddiyo Qaran. Doowladda wexeey dhistay gudiyo Qaran oo kala duwan kuwaas oo kala ah; Guddiga Doorashooyinka Qaranka ee madaxa banaan, Guddiga Xuduudaha iyo Federaalka, Guddiga Dastuurka. sidoo kale waxaa la ansaxiyey sharciyo heer Qaran ah, sida sharciga Guddiga Garsoorka, Xeerka Saxaafadda , Sharciga Danbiyada Abaabulan iyo Sharciga Xuquuqda Caruurta iyo Sharciga Maalgashiga dalka.
  8. Abuuris fursado shaqo. Doowladdu wexeey ku guuleeysatay in ay abuurto fursado shaqo oo ay ka faa’iideeysteen boqolaal muwaadiniin ah, kuwaas oo tartan u galay in ay ku biiraaan hey’adaha Qaranka ee kala duwan, si ay u buuxiyaan kaalinta uga aaddan dhismaha dalkooda, una helaan daryeel ku filan, waana arrin aan horay u jirin mudda yar ka hor , horumarkaan waxaa sabab u ah muwaadiniintii oo arkay in hey’adiha Qaranku ay si tartiib tartiib ah u hana qaadayaan taasna wexeey abuurtay kalsoonida shacabka ay ku qabaan doowladdooda.
  9. Hanashada aaya ka talinta arrimaha Soomaaliya. Doowladda Soomaaliya wexeey ku guuleeysatay in ay gudato waajibaadkeeda uga aaddan dalka go’aamana ay gaarto, iyadoon u baahneeyn fara gelin shisheye, mararka qaarkood saaxiibbada beesha caalamka in ay taageeradoodu ku koobnaato waxyaabaha u baaahan farsamo, laakiin go’aannada masiiriga ah ay ka tashaneeyso Soomaalida.
  10. Koboca Magaalada Muqdisho, Caasimadda dalka ee Muqdisho wexeey gashay kaalinta labaa ee xagga koritaanka magaalooyinka aduunka, iyadoo kaalinta koowaad ay gashay magaalo ku taal dalka Indunisia, arrintaas waxaa xaqiijisay hey’ad cilmi baaris oo laga leeyahay dalaka Mareykanka, wexeeyna sabab uga dhigtay horomarka iyo dhismaha ballaaran ee ka socdo magaalada Mogdisho iyo isbedelka fiican ee nabad gelyada ku yimid iyo soo laabashadii qurbajoogta oo maalgashiyo ku sameeyeen qaybaha kala duwan ee dhaqaalaha dalka.
  11. Maalgashiga doowladaha shisheeye. Waxaa sandihii u danbeeyey dalka ka biloowday maalgashi shisheeye iyadoo doowlado badan oo Soomaaliya xiriir la leh ay daneeynayan in ay maalgashi ballaaran ku sameyaan dalka, waxaana ka xusi karnaa dowladda Turkiga oo maalgashi ku sameeysay goobo kala duwan sida Dekadda, Garoonka magaalada Mugdsidho iyo weliba xarumo caafimaad iyo wax barasho iyo doowlada kale oo ku hoowlan maalgashigaas.
  12. Is bedelka Siyaasadda Soomaaliya. Haddii ay shalay jirtay in dadku ku kala baxayeen qori caaraddii,awood iyo gacan qaad markuu yimaado ismaan dhaaf siyaasadeed maanta waxaa jiro isbedel siyaasadeed oo dhab ah oo keenay in la doodi karo, la wadahadli karo iyadoo sharciga la ilaalinayo qofkastana u xaq u leeyahay inuu soo bandhigo aragtidiiisa iyo moowqifkiisa taasina wexeey biloow fiican u noqotay in la yagleelo Axsaab siyaasadeed oo uu ka dhexeeyo tartan siyaasadeed ku aaddan maamulka dalka.

Gunaanad

Horomarku intaas kuma koobna oo waxaa jiro waxyaabo badan oo aan halkaan lagu soo koobi Karin  faaladooda, hasa yeeshee waxaa marag madoonta ah in doowladda Soomaaliya cagta saartay waddadii hour marka dhinac kasta. Kaasoo ah mid tartiib tartiib u socdo, waana sida ilma korayo oo u baahan daryeel, waxaana lagama maarmaan ah in mas’uuliyiinta kala duwan ee dalka ay ilaaliyaan midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed, si loo sii kordhiyo horumarka iminka ka socda dalka, loogana baxo dhibaatooyinki iyo burburkii ka dhashay dowlad la’aanta.

W.Q. Ismacil Mukhtaar Omar “Orange”

Ra’iisal Wasaare ku Xigeenka Mudane Maxamed Cumar Carte ayaa sheegay in samaynta Qorshahan iyo Siyaasaddan kala duwanaanshaha Noolaha lagala tashaday dhammaan Wasaaradaha ay khuseyso ee Maamullada Somaliland Puntland iyo Maamul Goboleedyada kale ee dalka.

“Siyaasadan waxay ka kooban tahay qodobo muhiim ah oo ku dhisan aragti ku aadan ilaa 2050-ka oo saameyn ku leh Nolosha Dadka Soomaaliyeed maadaama boqolkiiba todobaatan ay ka faa’iideystaan waxyaabaha ay siyaasadani Xoogga saarayso, waxaana ugu muhiimsan Nolosha Xoolaha,Beeraha,Kaluumaysiga IWM , sida lagu sheegay Qorshahan Shan Boqol oo nooc oo Dhira ayaa laga helaa Soomaaliya, sidoo kale kun iyo laba boqol oo Xayawaan kala duwan ayaan hodan ku nahay, dhawr boqol oo nooc oo kalluun ah ayaa xeebaheena laga helaa, waxaa kale oo muhiim ah in la ilaaliyo xayawaanka sii dabar go’aya sida Gumburiga,Goodirka iyo noocyo ka mida Sagaarada. ayuu yidhi Ra’iisal Wasaare ku-xigeenku”.

Mar uu Mudane Carte ka hadlayay hirgelinta Qorshahan waxa uu sheegay in la horgayn doono PSG4 si looga dhaqan galiyo Hiigsiga Cusub (New Deal)looguna daro Qorshaha Horu-marineed ee Qaranka, sidoo kale Ra’iisal Wasaare ku-Xigeenku wuxuu xusay in Qorshahan lagu hir-gelinayo Siyaasadda Noolaha kala duwan ay xukuumada ka go’antahay in la hirgaliyo Madaxwaynahana loo gudbin doono.

Marka uu saxeexo Madaxwaynaha DFS ayay Xukuumaddu ka hawl-gali doonto sidii maashaariic lagu dhaqangalinayo uga samayn lahaayeen Hay’ada Caalamka u qaabilsan Arrimaha Bii’ada (GEF).

Ugu danbayntii Ra’iisal Wasaare ku-Xigeenku Mudane Maxamed Cumar Carte wax uu Tacsi u diray dhamaan ummada Soomaaliyeed oo uu ka tacsiyeeyay Dadkii ku dhintay Falkii arxan-darrada ahaa ee shalay lagu Qaaday Maqaaxida Liido SEA Food ee Xeebta liido, waxaanu si adag uga hadlay in ay dawladda ka gacan ka geysan doonto ilaalinta amniga shacbiga Soomaaliyeed, cid walba oo ka soo horjeeda amaanka bulshadana wuxuu ugu baaqay in aan la xalaashan dhiiga dadka masaakiinta ah.

 

Muqdisho-Waxa aan ku jirnaa bilowga xilliga Jiilaalka oo gaar u ah in ay isbedelada qaar sida dabaylo xoogan, qorax ama cadceed aad u kulul ay ka dhacaan dalkeena Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale isbedel ku imaanaya ama ku yimid wakhtiyo ay kamid tahay kuwa salaadda, waxaa sidoo kale kuu baxaya oo aad dareemaysaa in ay si u kale dheer yihiin habeenka iyo maalinta.

Xilligan Jiilaalka ayaa wakhtiga uga adag waxa qaabila oo ay wajahaan dadka ku dhaqan gobalada qaar ee dalkeena si gaar ahna bartamaha iyo kuufurta Soomaaliya, iyagaas ayaa laftooda sii kale liita oo ay ka jirtaa xilligan xaalado beni’aadinimo aad u daran.

Gobalada ay xaaladaha ben’adanimo ay ka jirta waxaa ka mid ah gobalka Gedo oo dhaca koofur galbeed dalkeena Soomaaliya, waxaana ka jirta biyo iyo baad la’aan, waxa aad u adag sida loo helo adeeg biyo oo daboolo uga yaraan baahiyaha ay qabaan dadka intooda badan ku nool tuulooyinka ka baxsan magaalooyinka waaweyn ee gobalkaas.

Tusaale, deegaanka Ceel-Cadde oo u jira 60 KM magaalada Garbaharey ee xarunta gobalka Gedo waxaa dhawaan ka dhacay weerar bahalnimo oo ay ku qaadeen Shabaabku fariisin ay ciidanka Kenya ee qaybta ah hawl-galka midowga Africa waxaana halkaas ka dhacay barakac kii uga darnaa ee ay ebed tuuladaasi soo marta.

Sida ay xaqiijiyeen mudanayaal ka tirsan Barlamanka Soomaaliya oo deegaankaasi ka soo jeeda, hay’addaha dhinaca beni’aadinimada iyo dadka deegaanka oo la hadlay warbaahita maxaliga iyo tan caalamiga ahba in dadkii halkaa ka barakacay ay haysato xaalad nololeed oo aad udag ayna dadka nugul sida carruurta, waayeelka iyo haweenka u dhintaan haraad iyo baahi darted ayna u baahan yihiin gurmada deg-deg ah.

Warbixin ay hay’adda UNICEF oo qaabilsan hooyada iyo dhalaanka soo saartay bishii July ee sannadkii 2015 ayna uga hadlaysa xaalada beni’aadinimo ee dalka Soomaaliya ayay ku sheegtay xadiga baahidaas waxaana ay codsatay lacag dhan US$ 111,705,413 si wax loogu qabto.

Marka aan u soo laabto magaalada caasimada ah ee Muqdisho ayaa sidaa sida lamida ay uga jiraan xaaladaha beni’aadinimo inkesta oo ay u gaar tahay dadka barakaca ah ee ku jira xeerooyinka.

Tan kalena waxaa dhacaya dabeylo xoogan oo siigo ama ciid badan oo wasakh ah wadato taasoo hawl malmeedka qaar ee qaybta ka ahaa nolosha dadka shaqo ku soo kordhisay oo dhinaca nadaafada ah.

Haddii mar ama laba uu qubeysan jiray qofka hadda maya, haddii xafiis, guri, maqaxi ama hotel mar ama laba laga qaban jiray hawlo nadaafadeed hadda mayo oo 3 ama 4 jibaar shaqo nadaafadeed ayaa loogu baahan yahay, waxaa koror ku imaanaya biilasha biyaha, korontada iyo mushaar shaqaalaha ka shaqaynaya maadaama hawlahu bateen.

Mar aan socod ku soo maray qaybo badan oo magaalada kamida waxyaabihii ay dhigtaydu maqashay oo ishayduna qabatay waxa ay ahaayeen in dad badan oo isuga jira rag iyo dumar oo da’ kasta leh ay cabasho ka moojinayaan dabeylahan isbedela xilliga jiilaalka wata, kuwa ayaa kuu sheegaya in ay xajisan Karin dharka ay xiran yihiin iyo alaabta ay gacanta ku sitaan dabaylaha dhacaya awgood, halka kuwa kalena ay sheegayaan in ay u cabsi qabaan in guraha ay ku jiraan ay dabeesha qaado ama kusoo dul dumiso.

Wiilal iyo gabdho ayaa wata muraayadaha indhaha oo ay sheegeen in ay yihiin kuwa kumeel gaar ah oo ay ciida iyo dabeylaha haddda socda uga gudbayaan sidaas ay suuqa uga soo iibsadeen een aan ahayn kuwa dhakhtra u soo qoray oo caafimaad ahaan u sitan.

Waxaa sidoo kale mahad ah in aan ilaa hadda la soo werin dab meel ka kacay oo khasaare ka dhashay oo xilligan oo kale la filan karo ama ay dhici jireen waxaana loo sababayna iibka goobaha shidaalka lagu iibin jirin suuqyada oo isbedel lagu sameeyay loona noqday ama la sameystay kaalimo shidaal oo dhulka keedkooda ku jira.

Inkesta oo la yiraahdo ninba halka bugta ayey bil-bishaa oo aan ula jeeda in ay culeys nagu hayso isbedelka cimilada ama jawiga aan hadda dhex jabaaxayno waxaase xusid mudan in aan ku nool nahay bey’o aad u wanaagsan oo alle nagu manaystay oo ay tahay inaan ugaga mahad naqno eebe weyne marka loo eego dunida inteeda kale.

Mareykanka iyo dalal badan oo yurub ayaa hadda wajahaya isbedelo xilli oo aad u daran waxaan dhacaya baraf xoogan oo hakad geliyey kuman duulimaad iyo gaadiid intaba haddaba waxa aan faaladayda ku soo gaba-gabeynayaa inaan dulqaad u yeelano isbedelka aan joogtada ahaan doonin ee qaadan doona maalmo la tirinayo, kuna dadaalno nadaafada iyo diyaar garowga saameynta imaan karta xilliyadan oo kale.

Qoraa: Maxamed Cisman Cabdi “Black Cobra”

E-mail: Dit e-mailadres wordt beveiligd tegen spambots. JavaScript dient ingeschakeld te zijn om het te bekijken.

Weerar ismiidaamin ah oo loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa goor dhaweyd oo caawa fiidki ah ka dhacay magaayad laga cunteeyo oo ku taala xeebta Liido ee magaalada Muqdisho.

Gaariga ayaa ku qarxay iridka hore ee maqaayada, iyadoo ilaalada maqaayada ay iska caabiyeen dabley hubeysan oo isku dayday qaraxa kaddib iney gudaha u galaan  maqaayadda, waxaana markiiba halkaasi gaaray ciidamada ammaanka oo goobtaasi ka billaabay howlgallo ka dhan ah argagixisada weerarka geysatay.

Lama oga qasaaraha ka dhashay weerarkaasi argagixiso, inkasoo weli la maqlayo rasaas goos goos ah oo ay isweydaarsanayaan dableyda iyo ciidamada ammaanka.

Baarka la weeraray ayaa la rumeysanyahay iney ku sugnaayeen dad rayid ah oo halkaasi ka cunteynayay, waxaana weli socda howlgalka lagu xaqiijinayo amaanka goobtaasi

Wasiir ku-xigeenka Isboortiga iyo dhallinyarada ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cismaan Aadan Dhuubow ayaa sheegay in shaqsiyaad ka tirsan xiriirka kubadda cagta Soomaaliyeed ah ay sameysteen warqado lagu urruuriyo lacagaha dadka u soo daawasho taga garoonka Banaadir stadium, kaasi oo u ku tilmaamay inay tahay mid sharci darro ah, oo aan waafaqsaneyn sharuucda u degsan Wasaaradaha maaliyadda, Isboortiga iyo xafiiska hanti dhowrka ah, ayna kal hore uga digeen inay isticmaalaan warqado si gaar ah loo sameystay.

Wasiir ku-xigeenka oo Warbaahinta Qaranka kula hadlay xafiiskiisa ayaa xusay in Wasaaraddu ay dooneyso in waxkasta ay noqdaan mid sharciga waafaqsan, isla markaana aan la ogolaan doonin in wax sharciga ka baxsan lagu dhaqmo, mas’uuliyadda ka saaran Wasaarada waxa intaa ku daray inay muhiim tahay in bahda isboortiga ay sharciga u hogaansamaa

Wasiir ku-xigeenka Isboortiga iyo dhallinyarada ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cismaan Aadan Dhuubow ayaa ugu baaqay bahda isboortiga ee dalka inay iska soo diiwaan geliyaan xarunta Wasaaradda oo ay keenaan dokumentiyo sax ah, si ay u helaan ogolaansho ku aadan horumarinta Isboortiga dalk

Hakinta howlihii isboorti ee garoonka kubadda cagta banaadir stadium ayaa ah mid lagu doonayo in lagu saxo, laguna maareeyo warqadaha dadka lacagaha looga qaado ay noqdaan mid sharciga waafaqsan, isla markaana markii la saxo arrintan uu garoonka dib uga bilaalan doonto howlihiisa horumarinta isboortiga.

Muqdisho, 20 January 2016: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Taliyaha Guud ee Ciidammada, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta Dugsiga Tababarka Ciidammada ee magaalada Muqdisho tababar ugu soo xirey dufcaddii 3-aad iyo qeybtii ugu horeysay ee ciidammada sida gaarka ah u tababaran ee Kumandoska ee dugsigan ka qalin jebiya.

Dugsigan ayaa waxaa gacanta ku haya, isla markaana maalgelinaya Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta, waxaana uu qeyb ka yahay mashaariicda kala duwan ee dalkaasi ku taageerayo dib u dhiska Soomaaliya.

Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay munaasabadda ayaa kula dardaarmey dhalinyarada sida gaarka ah loo tababarey inay ka soo dhalaalaan kaalinta looga fadhiyo ee xasilinta iyo nabad ka aslaaxinta waddanka.

“Waxaan idinku hambalyeynayaa sida wanaagsan ee aad u dhameysateen tababarkan casriga ah. Amniga waa tiirka aasaaska u ah horumarka iyo dib u dhiska Soomaaliya. Waxaa la idin ka fadhiyaa inaad door lixaad leh ka qaadataan ciribtirka argagixisada Al Shabaab ee ku xiran Al Qaacida.Waxan dhammaanteen si weyn ugu maqsuudney sida quruxda badan ee aad u soo bandhigteen waxyaabihii halkan la idin ku barey. Waxaana ku kalsoonahay inaad waajibaadkiina si weyn uga soo bixi doontaan’’.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale u ammaan u jeediyay dowladda, shacabka iyo Madaxweynaha Imaaraadka Carabta, Sheikh Khalifa bin Zayed Al Nahyan, sida ay mar walba u taageerada hiil iyo hooba ula garab taagan yihiin walaalahooda Soomaaliyeed.

Waxaa iyaguna halkaasi hadallo ka jeediyay Taliyaha Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Gaas Maxamed Aadan Axmed iyo Danjiraha Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya Muxammad Al Uthman.

Munaasabaddan qiimaha leh , ayaa waxaa kale oo ka soo qeybgaley Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid, xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada Dowladda Federaalka, Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfuur Galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo mas’uuliyiin kale.

 

R/wasaaraha  dalka ayaa ka qeybgalay kulan looga hadlayey nooca Federaalka ugu habboon ee dalkeenu qaadanayo, maqaamka caasaimadda ay yeelanayso , qaybsiga qayraadka dabiiciga ah ee dalka iyo awoodda maamul oo ay kala yeelanayaan dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada.

Kulanka oo uu shirguddoominayay R/wasaraha dalka mudane Cumar Cabdirashid Cali Sharma’arke ayaa waxaa sidoo kale ka qaybgalay wasiirka arrimaha dastuurka dalka, guddiyada Dastuurka ee Barlamanka iyo kan madaxa banan ee hirgalinta iyo dib u eegista dastuurka KMG ah.

Kulanka ayaa warbixin looga dhagaaystay aqoonyahanno loo xilsaaray in ay talo ka siiyaan dowladda Soomaaliya arrimaha federaalka iyo dastuurka dalka.

Wasiirka arrimaha dastuurka ee xulumadda federaalka Soomaaliya Xuseen Maxamuud Xuseen oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in kulankan uu ahmiyad gaar ah u leeyahay nooca federal ee dalku qaadanayo, isagoo tilmaamay in dhamaan qodobadda ka soo baxa laga talagalin doono dowlad gobolyeedda dalka.

Dastuurka dalka oo ah KMG  ayaa qodobada ugu mihiimsan ee la doonayo in la muujiyo waxa ka mid ah awooda dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyadda arrimaha maamulka iyo sida loo qaybsanayo qayraadka dabiiciga ah.

 

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ka furey Madasha Wadatashiga Qaranka.

Madasha Wadatashiga Qaranka oo lagu go’aamin doono qaabka ama nooca doorasho ee Soomaaliya ay qaadaneyso sannadka 2016-ka ayaa waxaa ka soo qeybgaley Guddoomiyaha Baarlamanka Federaalka, Mudane Maxamed Cusmaan Jawaari, Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharma’arke, Madaxweyneyaasha dowlad goboleedyada Puntland, Cabdiweli Maxamed Gaas, Koonfuur Galbeed Soomaaliya, Shariif Xasan Sheekh Aadan, Galmudug, Cabdikariim Xuseen Guuleed, iyo Jubba, Axmed Maxamed Islaam.

Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay shirka ayaa sheegay inuu rajeynayo in shirkan ay ka soo baxaan natiijooyin ka farxiya shacabka, isagoo ummadda Soomaaliyeed ugu baaqey inay la yimaadaan isku tanaasul, iyagoo eegaya danta guud iyo dib u yagleelidda dowlad Soomaaliyeed oo nabad, xasilooni iyo horumar u horseedda Soomaaliya oo dhan.

“Waa mahad Allah aan ka soo gudubney xiligii nalagu oran jirey dal fashilmey. Waxan haatan nahay dal dib u soo kabanaya, oo aan dooneyno inaan u dhigno aasaas xooggan oo muhiim u ah mustaqbal wanaagsan oo ay Soomaaliya yeelato. Waxaa naga go’an inaan wixii khilaaf ah ee jira aan wadahadal ku dhameyno, waana sababta keentay inaan dhisno madasha hoggaamiyeyaasha si aan danaha qaranka ugu gorfeyno,” ayuu yiri Madaxweynaha.

Waxaa uu Madaxweynaha intaa ku darey in mabda’a aasaaska u ah Soomaaliya uu yahay wadajirka iyo midnimada, loona baahan yahay in ruux kasta oo Soomaali ah uu u istaago, sidii taasi loo gaari lahaa, isagoo dhanka kalena ku baaqey in lala yimaado dulqaad.

Madaxweyna Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale ku boorriyay shacabka inay yareeyaan cabsida iyo kalsooni darada ka dhalatey dagaaladii sokeeye ee dalka ka dhacay.

“Waxaan ku kalsoonahay kuna rajo weynahay in natiiijo wanaagsan ay ka soo bixi doonto wadatashigan aan u fadhino. Soomaaliyada cusub ee aan dhiseyno waa mid ku saleysan dimoqraadiyad, xasilooni, iyo in laga wada qeybgalo, sidaa darteed aaney meesha oolin wax cabsi ah oo la xiriirta mustaqbalka. Waxaan anigoo fursaddan ka faa’iideysanayaa aan doonaya inaan u mahad celiyo beesha caalamka oo mar walba nala garab taagan taageerada aan u baahanahay ee muhiimka u ah dib u dhiska dalkeena’’.

Madaxda kale ee ka qeybgashey furitaanka shirka, ayaa iyaguna khudbado jeediyay, waxaana dhammaantood ay ka mideysnaayeen sida ay diyaarka ugu yihiin, looguna baahan yahay in la isu tanaasulo, loona naxariisto shacabka Soomaaliyeed ee ay colaaddu daashatey.

Madaxda ayaa sidoo kale u mahad celiyay Madaxweynaha maamulka Jubba iyo shacabka gobollada Jubbooyinka sida wanaagsan ee quruxda badan ee ay u martigeliyeen shirkan qiimaha u leh qaranka Soomaaliyeed.

Bogga Hambalyada

Xayesiin

A/C. Waxaan idiin heynaa Biraha Cagafyada (tractors Parts).

Cagafyadaas oo kala ah: Fiat, Ford, John deere,New Holland, iyo kuwa kale oo badan.

Dalabkaaga waxaad kusoo diri kartaa E-mailkaan: geeddow@gmail.com

Xeyeysiis Ganacsi

  • KU XAYEYSIISO BADEECADAHAAGA  HALKAAN
  • KU XAYEYSIISO BADEECADAHAAGA  HALKAAN
  • KU XAYEYSIISO BADEECADAHAAGA  HALKAAN
  • KU XAYEYSIISO BADEECADAHAAGA  HALKAAN
  • KU XAYEYSIISO BADEECADAHAAGA  HALKAAN