illegal buy accutane onlineWelcome to Cadale site

Ku soo dhawaaw Bogga Cadaleomeprazole cheap online

cheap prevacidDaawo Quruxda Cadale

Group creation
G

dekedda cadale oo dib u habeeen lagu sameyhaayo

DAKADDA CADALE OO DIB U HABEYN  EY KU SAMEYHEYSO DOWLAD GOBOLEEDKA HIRSHABEELEbuy accutane america

Akhriso Liiska Musharaxiinta u taagan Madaxweynaha Soomaaliya

Guddiga Qaban qaabada Doorashada ayaa ku dhawaaqay inay isdiiwaan galiyeen 24-Musharax oo u taagan q..buy benicar hct 40 25.

Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Oo Muqdisho Kula Kulmay Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadban

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari”, Guddoomiye ..order celexa line.

XAFLAD TAAGEERO AH OO LAGU QABTAY WADANKA NETHERLAND

XAFLAD TAAGEERO AH OO LAGU QABTAY WADANKA NETHERLAND Waxaa xalay oo taariikhdu eheed 04/01/2017 lag...

Horumarinta Qorshaha Qaranka ee Xanaanada Xoolaha Soomaaliya oo laga hadlayo

Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo daaqa ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashaneysa Hay’..can you buy a hiv test kit.

  • dekedda cadale oo dib u habeeen lagu sameyhaayo

    vrijdag 10 februari 2017 00:00
  • Akhriso Liiska Musharaxiinta u taagan Madaxweynaha Soomaaliya

    zondag 29 januari 2017 00:00
  • Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Oo Muqdisho Kula Kulmay Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadban

    zondag 15 januari 2017 00:00
  • XAFLAD TAAGEERO AH OO LAGU QABTAY WADANKA NETHERLAND

    donderdag 05 januari 2017 00:00
  • Horumarinta Qorshaha Qaranka ee Xanaanada Xoolaha Soomaaliya oo laga hadlayo

    woensdag 28 december 2016 00:00

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa booqasho ku tagay maanta Isbitaalka Sheekh Sayd iyo xarunta safaaradda Imaaraadka uu ku leedahay Magaalada Muqdishoseroquel xr for sale.

buy depakote onlineMadaxweynaha J. Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa marka hore waxa uu booqdey Isbitaalka Sheekh Sayd ee dowladda Imaaraadku ay ka dhistay  magaalada Muqdisho, kaas oo lagu daweeyo dadka deggan caasimadda si lacag la’aan ah.

Madaxweynaha oo uu wehliyey Sii haya xilka safiirka ahna ku xigeenka safiirka, ayaa soo indha-indheeyey qeybaha Isbitaalka uu ka kooban yahay, waxaana uu warbixinno ka dhageystay howl-wadeenna iyo Dhaqaartiir ay ku jiraan Soomaalimelatonin dogs sale.

cheap viagra saleDhan kale Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa booqdey Safaaradda dowladda Imaaraadka ay ku leedahay Magaalada Muqdisho, iyadoo u jeedku yahay muujinta xiriirka wanaagsan ee u dhaxeeya labada dowladood.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa isaga oo ku sugan xarunta safaaradda Imaaraadka sheegay  in dowladda Imaaraadka uu uga mahadcelinayo mashaariicda ay dalka Soomaaliya ka fulisay, sida Isbitaalka Sheekh Sayd iyo qeybo cusub oo dhismahoodu uu socdo hadda, dowladda iyo shacabka Soomaaliyeedna ay abaal uga hayaanbuy eos lip balm ontario.

buy benadryl-d onlineDhan kale madaxweynaha Jamhuuriyadda, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in maalmahaan ay socdeen dicaayado lagu waxyeelleynayo xiriirka iyo saaxiibnimada u dhaxesyaa Imaaraadka iyo Soomaaliya, taasina ay been abuur tahay, booqashadiisuna ay astaan u tahay arrintaas, xiriirka labada dalka u dhaxeeyaana uu  mar walbana  yahay mid sii xooggeysanaya.

use of cystone tabletsSii haya xilka safiirka ahna ku xigeenka Safiirka Imaaraadka u fadhiya Soomaaliya Xamdaan Rashiid Al-Shamsa, ayaa dhankiisa uga mahadceliyey madaxweynaha Soomaaliya booqashadiisa safaaradda, waxa  uu hoosta ka xariiqay in marnaba uusan xumaan xiririka Soomaaliya iyo Imaaraadka, labada dalna ay yihiin walaalo wax wadaqabsi uu ka dhaxeeyo.

Dowladda Imaaraadka waxa ay ka mid  tahay dowladaha Caalamka ee Soomaaliya sannadihii u dambeeyey ka waday mashaariic waa weyn iyo taageero dhinacyo  badan leh oo ay uga qeyb-qaadanayaan dib u dhiska Soomaaliyaorder cialis online overnight.

buy augmentin genericXigasho Radio Muqdisho

Madasha Wada-tashiga Hoggaanka Qaran (MHQ) oo kulan ku yeelatay magaalada Muqdisho 07-08 Deseember 2016-ka, ayaa laga soo saaray war-murtiyeed ku saabsan arrimaha doorashooyinka dalka.

Kulanka waxaa shir-guddoominayay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana ka soo qaybgalay Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Maxamed Sh. Cusmaan Jawaari, Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cumar Carte; Madaxweynaha Koonfur-Galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan; Madaxweynaha Galmudug Cabdikarin Xuseen Guuleed; Madaxweynaha Hirshabele, Cali Cabdulahi Cosoble; iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland, Eng. Cabdihakin Cabdullahi Cameycoumadin discount coupons.

benzac ac wash buy onlineUjeeddada shirkani waxay ahayd in la qiimeeyo arrimaha qabsoomay iyo in la dhammeystiro arrimaha qabyada ka ah hirgelinta hannaanka doorashooyinka qaran ee 2016-ka.

Kulanka Furitaanka:lamictal buy cheap

1. Madaxweynaha: Ayaa soo dhoweeyey dhammaan ka qaybgalayaasha si gaar ahna uga mahadceliyey Beesha caalamka. Madaxweynaha wuxuu hoosta ka xariiqay in muddada la haysyto ay aad u kooban tahay loona baahan yahay in si wadajir ah loogu guntado dhamaystirka howlaha doorashooyinka waqtiga oo aad u kooban awgeed.

2. Ergayga Gaarka ah ee Qaruumaha Midoobay; Mr. Michael Keating:oo hadal gaaban ka jeediyey furitaanka madasha ayaa bogaadiyay hogaamiyeyaasha madasha. Waxaa uu sidoo kale u mahadceliyay gudiyadda doorashooyinkka heer gobol iyo heer Federal sida habsamidda leh ay u fuliyeen howlaha Doorashooyinka dadban. Ergayga Gaarka ah waxuu mar kale Madasha u xaqiijiyay in beesha caalamku ay diyaar ula tahay taageero buuxda kuna dadaali doonaan in waxa walba waqtigeeda lagu bixiyo.

3. Dhameysirka geeddi-socodka doorashada

3.1. Madashu waxaay isla waafaqday in la dardargeliyo dhameystirka howlaha ka harsan doorashooyinka. Iyadoo taa laga ambaqaadayo ayaa waxaa ay isla meel-dhigeen qodobban:

a. In dhammaan kuraasta doorashadooda harsan tahay si degdeg ah loo soo dhameystiro.

b. Xildhibaanada loo soo doortay labada Aqal ee BFS ay ugu dambeyn 14.12.2016 u soo galaan Muqdisho si loo dhameystiro diiwaangelintooda.

c. Munaasabadda lagu furayo Kalfadhiga 1-aad ee Baarlamaanka 10-aad ee JFS, kulankiisa wadajirka ah oo lagu dhaarinayo Xildhibaanada labada Aqal waa in la qabtaa 15.12.2016.

3.2. Haddii Baarlamaanka Federaalka si kale u guddoonsan:

a. In Guddoomiyeyaasha labada Aqal iyo Ku-xigeennadooda la doorto 22ka Diseembar 2016; iyo

b. In Doorashada Madaxweynaha Jumhuuriyadda Federaalka Soomaaliya la qabto 28ka Diseembar 2016.

1. Ansixin habraac ku-meel-gaarka muddada kala guurka.

4.1. Madasha waxay ansixisay habraaca ku-meel-gaar ah iyo Xeer-Hoosaadka u gaarka muddada kala guurka Baarlamaanka 9-aad iyo Baarlamaanka 10-aad ee cusub uu soo diyeeriyey Guddiga Farsamada iyo khubarada BFS.

4.2. Habraacan oo ansixin loo horgeyn doono Baarlamaanka Federaalka waxaa lagu maareyn doonaa:

a. Qabashada Kulanka 1-aad ee wadajirka lagu dhaarin doono xildhibaanada Baarlamaanka cusub ee la soo doortay;

b. Doorashada Guddoonka iyo Ku-xigeennada labada Aqal ee BFS; iyo

c. Doorashada Madaxweynaha Jumhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

5. Xallinta saamiga Aqalka Sare Gobollada Sool iyo Sanaag.

5.1. Madashu waxay si qottodheer u falanqaysay arrinta ku saabsan saamiga ay Gobollada Sool iyo Sanaag ee Soomaaliland ku yeelanayaan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka.

5.2. Madashu waxay guddoonsatay in shir ay u wada dhan yihiin Madaxda Madasha lagu qabto Muqdisho 13ka Diseembar 2016 si arrinka saamiga ay labadan gobol ku yeelanayaa Aqalka Sare laysula meeldhigo.

1. Baaq iyo Bogaadin

6.1. Madaxda Madasha ayagoo aad u qaddariyey howlaha ay fuliyeen Guddiyada Doorashooyinka Heer Federaal iyo Heer Dowlad-Goboleed iyo Gudiiga Xallinta Khilaafaadka waxay ku bogaadiyeen xowliga ay ku fuliyeen iyo mihnadyananimada ay ilaa heerkan ku soo gaarsiiyeen dardargelinta doorashooyinka dadban 2016 ee loo xilsaaray.

6.2. Madashu waxay mar kale hoosta ka xariiqeysaa xurmeynta madaxbannaanida Guddiyada kala duwan ee loo xilsaaray hirgelinta Doorashooyinka Dadban ee 2016. Waxaase looga boorinayaa gudiyadau in ay raacaan habraacyada ay Madashu horay u ansixisay ee qeexaya fulinta xilalka iyo waajibaadka loogu xilsaaray xeerarka Guddi walba lagu dhisay.

6.3. Madashu waxay sidoo kale bogaadin iyo mahad ballaaran u jeedineysaa dhammaan Taliyeyaasha, Saraakiisha, Saraakiil-xigeenka iyo dableyda Ciidammada Qalabka Sida, sida wacan oo daljirnimada ku dheehan ay u sugeen amniga umadda iyo nidaamka doorashooyinka. Madashu waxay dhammaan Hay’adaha Amniga iyo dadweynaha ugu baaqeysaa in ay joogteyaan iskaashiga iyo dadaalka sugidda amniga iyo difaaca Dowladnimadeena.

1. Madashu waxay si gaar ah ugu mahadcelineysaa Beesha Caalamka

tixgelinta gaarka ah u siineyso arrimaha horumarinta Soomaaliya iyo taageerada ay had iyo jeer la garab taagan yihiin Dawladda Federaalka Soomaaliya.

Sarkaal sare ee caafimaadka ayaa ku baaqday in dadka da'dooda tahay 50 ilaa 70 ay sii wadaan shaqada si ay caafimaad u helaan.

Warbixin cusub oo soo baxday oo ku saabsan caafimaadka dadka dhashay inta u dhaxaysa 1946 ilaa 1964, ayay Prof Dame Sally Davies, ku sheegtay faa'iidada caafimaad ee jir iyo mid maskax ee laga helo shaqada.

Waxay sheegtay shaqada inay caawiso dadka inay dareemaan inay wax ku guulaysteen ooaysan cidlo ahayn.

33% dadka Britishka ah ee shaqeeya ayaa ka waynaan doona 50 sanadka markuu yahay 2020.

Prof Davies ayaa sheegtay : "Dadka ayaa noolaanaya waqti dheer, sidaas darteed shaqo gabida ayaa u keenaysa fursad dadka da'dan ah inay noqdaan dad qabta shaqo badan.

" Dadka badankood waxay u tahay fursad ay ku qabtaan shaqooyin adag, ma aha sidii ay awal ahaan jirtay oo aan wax badan la qaban jirin.

" Inaad shaqada wado, ama aad samayso iskaa wax u qabso, ama aad ku biirtid kooxo bulshada, ayaa suurto galinaysa dadka inay ka shaqaysiiyaan maskaxdooda iyo jirkooda.

" Faa'iidada laga helayo waa inaan la yaraysan."

Image copyrightTHINKSTOCK

Maxay yihiin dadkan jira 50 ilaa 70?

Waxay dhasheen ilaa 20 sano wixii ka danbeeyay dagaalkii labaad ee adduunka markii uu aad u kordhay tirada carruurta ee ay reerka ay dhalaan, waxayna hadda jiraan 50 ilaa 70 sano.

Dumarkan iyo raggan waqtigaas dhashay ayaa arkay isbadal badan noloshoodii.

Waxay koreen iyagoo aan haysan kombuter ama xitaa TV, laakiin waxay haysteen internet, mobile iyo baraha bulshada.

Waqtigan noloshooda, inay caafimaadkooda dhawraan, inay shaqeeyaan iyo inay bulshada ka mid ahaadaan ayaa muhiim ah si ay xiligan da'dooda ay u caafimaad qabaan.

Xigasho BBC

Guddiga maamulka maaliyadda ayaa kulankiisii billa ahaa ee 19-aad wuxuu ku yeeshay xarunta madaxtooyada Muqdisho. Guddiga ayaa ka dooday warbixin ay soo saartay kooxda dabagalka cunaqabataynta hubka ee Ereteria iyo Soomaaliya, gaar ahaan walaacyada laga muujiyay nidaamka maaraynta daqliga. Guddigu ayaa kuurgal ku sameeya dib uga xaajoodka qandaraasyada dowladda iyo soo uruurinta dakhliga si loo hagaajiyo waxqabadka qandaraaska, korna loogu qaado qiimaha waxa lacagtu ay goyso marka ay dowladda wax iibsanayso si looga gun gaaro hagaajinta daahfurnaanta loo samaynayo canshuur bixiyeyaasha.

 

Guddiga ayaa ku howlan dib-u-eegista dakhliga ka soo xarooda garoonka, canshuuraha wado marista, qandaraasyada, taarigooyinka baabuurta, iyo dib-u-eegista maaraynta dekedda oo lagu wado inay bilaabato 2017.

 

Ugu horayntii Guddiga maamulka maaliyadda ayaa ka dooday howlaha bangiga ee muhiimka u ah daqli aruurinta, Wasaaradda Maaliyadda iyo Bangiga Dhexe waxayna si wada jir ah u aas aasi doonaan isfaham ogolaanaya in dowladda iyo bangiyada ganacsiga laga sameeyo akoono daqli ururin, waxaana isfahamka dib-u-eegis ku samaynaya xeer ilaaliyaha guud ee qaranka, iyadoo looga gol leeyahay in la hagaajiyo maaraynta lacagta gacanta lagu qabanayo, lana abuuro xaalado kor u qaadaya niyadda canshuur bixiyeyaasha iyo horumarinta hanaanka bangiyada.

 

Sidoo kale Gudigu ayaa dib-u-eegis ku sameeyay heeshiiska nidaamka  shidaalka iyo qaybsiga  soo saarida gaaska kaas oo ay soo saartay Wasaaradda Shidaalka iyo Macdanta. Heshiiska ayaa sal u noqonaya nidaam wada shaqayn oo u dhexeeya dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo shirkadaha shidaalka. Guddigu wuxuu sidoo kale xoogga saarayaa arrimaha lacagaha ee heshiiska isagoo ku talo bixiyay in shirkadaha shidaalka ay dhiibaan canshuurta shirkadaha oo laga bixinayo saamiga shirkadaha iyo macaashka gaaska la iibiyo. Guddigu ayaa ku taliyay wada xaajoodyada gaarka ah inay ku salaysnaadaan hanaanka wada qaybisiga (Production Sharing Agreement). Guddigu wuxuu sidoo kale ka  dooday nidaamka ay dowladda Soomaaliya u wajahayso hanaanka qaybsiga khayraadka dabiiciga ah.

 

Guddigu wuxuu ku nuux-nuuxsaday in saamiga daqliga khayraadka dabiiciga ah la qoondeeyo sanad walba si loogu isticmaalo kharashaadka dowladda iyo maalgalinta kaabayaasha dhaqaalaha.Waxaa kale oo gudiga maamulka maaliyaddu uu isku raacay in la soo jeediyo qodobo lagu darayo sharciga maamulka maaliyadda dowladda kaas oo qeexidoona mabadii’da quseeysa maaraynta dakhliga kheyraadka dabiiciga ah ee ku saabsan siyaasadda lacagta, qaybsiga dakhliga, qulqulka lacagta, iyo maaraynta lacagaha.

 

Ugu dambayntii, Guddiga Maamulka Lacagta wuxuu isku raacay inuu diyaariyo warbixin  maamulka maaliyadda si dib u eegis loogu sameeyo ilaa iyo 2014 islamarkaasina falaqayn lagu sameeyo caqabadaha taagan. Warbixinta ayaa diyaar noqon doonta horaanta sanadka 2017 waxayna dowladda cusub siin doontaa macluumaadka ku saabsan arrimaha maamulka maaliyadda.

Gudiga maamulka maaliyadda waxaa la aas aasay horraantii sanadka 2014 iyadoo dowladda Soomaaliya iyo beesha caalamka ay ku heshiiyeen samaynta gudigaan si uu u noqdo madal loo adeegsado talobixinta iyo wadahadalka ku saabsan istaraatijiyada maamulka arrimaha maaliyadda. Waxaana guddiga xubno ka ah Wasiirka Maaliyadda Maxamed Aden Ibraahim Ferkeeti oo gudoomiye u ah guddiga, Guddoomiyaha Bangiga Dhexe, Wakiilo ka socda xaafiiska Ra’iisal Wasaaraha, Wakiilo ka socda xaafiiska Madaxweynaha, Guddiga Maaliyadda ee Baarlamaanka, Xeer ilaaliyaha qaranka, Xubno matalaya Bangiga Addunka, Hay’adda lacagta adduunka, iyo Deeqbixiyeyaasha

Xarunta Degmada Warsheekh ee gobolka Shabeelada dhexe ayaa waxaa maanta gaaray dhalinyaro Soomaaliyeed kuwaasi oo isaga kala yimid qaar kamid ah gobolada dalka Soomaaliyeed kuwaasi oo socdaal ee ugu magic dareen kudalxiis dalkaaga kusoo gaaray xeebta quruxda badan ee Warsheekh.
Maamulka degmada Warsheekh iyo qeybaha kala gedisan ee bulshada reer Warsheekh ayaa si diiran ugu soo dhaweeyay dhalintaani xarunta degmada Warsheekh ee gobolka Shabeelada Dhexe.
Dadka reer Warsheekh oo caan ku ah marti soorka iyo soo dhaweynta kalgacalka leh ayaa waxey dhalintaan kusoo wareejiyeen xaafadaha kala gedisan ee degmada Warsheekh iyadoo munaasbadi qadada kadib lagu marti qaaday iney ku dakeeyaan xeebta quruxda badan ee Warsheekh.
Tan iyo marki uu xilka degmada Warsheekh uu la wareegay maamulka uu daadihiyo Axmed Shiidka ayaa waxey Degmada Warsheekh mar qura soo jiidatay indhaha shacabka Soomaaliyeed hadii ahaan laheed Qurbo joog ama qaran joog.
Warsheekh Shabeelada dhexe.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si rasmi ah u furay shirka madasha Wadatashiga Qaran, kaas oo looga hadlayo doorashooyinka dalka ka socdo iyo sidii loo dadejin lahaa dhammeystirkooda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa furitaanka shirka khudbad ka jeediyey, waxa uu ka hadlay doorashooyinka Barlamaaniga ah ee gabo-gabada maraya iyo sida habsamida leh ee ay u socdaan qaarna ku soo dhammaadeen,  waxa uu sheegay in guul weyn ay gaartay Soomaaliya.

“Waxaan u mahadcelinayaa dhammaan dowlad gobolleedyada iyo hoggaamiyeyaashooda, guddiga hirgelinta doorashooyinka dadban, guddiga Amniga Qaranka ee Doorashooyinka iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed oo si xasilooni leh uga qeyb-qaadanaya doorashooyinkaas Qaran, waxaan sidoo kale boggaadinayaa doorashooyinka Barlamaaniga ee  gobollada Waqooyi oo Muqdisho ka socda,  waa wax lagu faani karo ilaa hadda natiijooyinka ka soo baxay ee qabsoomidda doorashooyinkaasi” ayuu yiri madaxweynaha Jamhuuriyadda.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in shirka madasha ay hoggaamiyeyaasha uga arrinsan doonnaan sidii loo meelmarin lahaa dhammeystirka doorashooyinka, sida midda madaxweynaha, guddoomiyaha Barlamaanka iyo ku xigeennadiisa, madashu waxa ay mar walba u taagan tahay rabitaanka shacabka Soomaaliyeed iyo in xal laga gaaro haddii ay jiraan khalaad dhacay, waxaana rajeynayaa in shirkaan uu noqdo mid jawi deggan ku soo saara go’aanno dhaxal-gal u ah shacabka iyo dalkuba ayuu raaciyey madaxweynaha hadalkiisa.

Shirka waxaa joogey, xubnaha  beesha caalamka oo uu u horreeyo Ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya.

Tobankii sano ee u la soo dhaafay dhaaqalaha dalkaasi waxa uu celcelis ahaan kobcayay 10 boqolkiiba, taas oo ka dhigtay mid ka mid ah dalalka uu dhaqaalahoodu ugu koritaan badan yahay caalamka oo dhan.

Waaxda qorshaynta ee dalkaasi ayaa sheegtay in sanadkan la filayay in dhaqaalaha dalku uu kobco boqolkiiba kaw iyo toban, balse arrintaas ay xagal daacisay abaar baaxad wayn oo saamayn wayn ku yeelatay dalagii ka soo gu'i jiray qaybo badan oo dalka ah.

Mar sii horaysay hay'adda lacagta adduunka ee magaceeda loo soo gaabiyo IMF ayaa ka digtay in dhaqaalaha itoobiya uu hoos ugu dhici doono 4.5% sanadkan, arrintaas oo ay ku macnaysay abaarta dalkaasi ka jirta oo ah middii ugu xumayd ee soo marta muddo soddon sano ah.

Laakiin dawladda ayaa tiradaas meesha ka saartay waxayna ku adkaysanaysaa in dhaqaaluhu uu kobci doono 8%

Dadka falanqeeya arrimaha dhaqaaluhuna waxay sheegayaan in kobaca dhaqaaluhu uu culays dheeri ah kala kulmi doono mudaaharaadyadii dawladda lagu diidanaa ee gobollada Oromada iyo Amxaarada oo lagu weeraray shirkado iyo beero ubax oo ay ajaaniib leeyihiin.

Dhaqaalaha Itoobiya ayaa si wayn ugu tiirsan wax soosaarka beeraha balse wakhtiyadii u dambeeyay waxa uu kobac ka soo galay dhanka wax soo saarka warshadaha iyo adeegyada.

SOO DIRID TAHNIO IYO BOGAADIN

ANIGOO AH MAXAMAD MAXAMUUD CADDAAWE(GEEDDOW) KUNA WARAMAAYO MAGACA JAALIYADDA CELI CUMAR EE WADANKA NETHERLAND (HOLAN) WAXAAN TAHNIYO U SOO DIREYNA DRS. MINA XASAN SHIBIS OO BERIGA OO TAARIIKH TAHAY 01/12/2016 MAGAALADA JOWHER LOOGU DOORTAY XILDHIBAAN QARAN WAXAANA EEBI KATUUGEYNAA INOW HOWSHAAS QARAN GUDASHADEEDA UFUDUDEYO. AAMIIN

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa baaq ku aaddan doorashooyinka 2016-ka dhacaya u diray qeybaha kala duwan ee bulshada iyo beesha caalamka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in waddanku uu ku jiro marxalad kala guur ah, loona baahan yahay shaqaalaha laamaha kala duwan ee dowladda inay dardar-geliyaan fulinta waajibaadkooda.

“Waxaan u mahad-naqayaa dhammaan shaqaalaha dowladda oo iyagoo ku shaqeynaya duruufo adag, haddana aan marnaba ka daalin inay qarankooda si daacad ah ugu adeegaan. Waddanku doorashooyin ayuu dhowaan gelayaa, guddiyo iyo hay’ado mucayin ah ayaana hawsha qaban doona. Sidaa darted waxaan shaqaalaha ka codsanayaa inaaney siyaasadda iyo arrimahan doorashooyinka ku mashquulin, balse ay waqtigooda geliyaan dhismaha dalka iyo u adeegidda shacabka’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale mas’uuliyiinta iyo shaqaalaha dowladda farey inay ilaaliyaan hantida qaranka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhanka kale waxaa uu ugu baaqey hay’adaha amniga inay si buuxda kaalintooda uga qaataan sugidda amniga ee marxaladda kala guurka iyo amniga doorashooyinka ee goobaha kala duwan ee dalka.

‘’Marka laga soo tago waajibaadka laamaha amniga, waxaa kale oo hirgelinta doorashadan kaalin ku leh odayaasha dhaqanka. Waxaa odayaasha dhaqanka laga doonayaa inay maskaxda ku hayaan in sannadkan doorashada dhacaysa ay ka yara sareyso tii hore, maadaama wax la kala dooranyo, tiro mucayin ah oo shacabka ka mid ahna ay codkooda dhiiban doonaan. Odayaasha waxaan ugu baaqayaa inay hannaankan fududeeyaan, guddiyada kala duwan la shaqeeyaan, isla markaana ay si caddaalad ah waajibaadkooda u gutaan’’.

Waxaa uu Madaxweynaha dhanka kale dardaaran u diray guddiyada doorashada ee heer federaal, heel maamul goboleed iyo dhammaan maamulada dalka ka jira.

“Guddiyada doorashada dadban ee heer federaal iyo heer dowlad goboleed waa inay la shaqeeyaan odayaasha dhaqanka, madaxda dowlad goboleedyada iyo shacabka iyagoo caddaalad iyo sinnaan kula dhaqmaya mushaxiriinta. Soomaaliya waajibaad ayay idin saartey, waxayna idinka sugeysaa inaad waajibaadkaasi sida ay tahay aad u gudataan. Madaxda dowlad goboleedyada, iyaguna waxan farayaa inay amniga iyo tas-hiilaadka kale ee suuragelinaya qabsoomidda doorashada gacan buuxda ka geystaan’’.
Madaxweynaha ayaa ugu dambeyn ku ammaaney beesha caalamka doorkeeda ay ku taageerayso doorashooyinka, isagoo ka codsadey inay waqtiga ugu habboon ku soo dhameystiraan tas-hiilaadka ay horay u ballanqaadeen ee doorashooyinka taariikhiga ah ee Soomaaliya.

Madasha Hoggaanka Qaran (MHQ) ayaa kulan ku yeelatay magaalada Muqdisho 02 – 09 Agoosto 2016ka. Kulanka waxaa shir-guddoominayay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana ka soo qayb galay Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka, Mudane Maxamed Cusmaan Jawaari; Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke; Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka, Mudane Maxamed Cumar Carte; Madaxweynaha Puntland, Mudane Cabdiweli Maxamed Cali-Gaas; Madaxweynaha Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaan; Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan; iyo Madaxweyne ku-Xigeenka Galmudug, Mudane Maxamed Xaashi Cabdi.

Kulankani wuxuu daba socday kulankii madasha ee lagu qabtay magaalada Baydhabo 22-25 June, kaasoo lagu gaaray go’aamo khuseeya doorashada 2016ka.

Ujeeddada shirkani waxay ahayd in la dhammeystiro arrimaha qabyada ka ah hirgelinta hannaanka doorashooyinka qaran ee 2016ka.

1. Muddada Xil-heynta laamaha Dowladda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya.

Madasha Hoggaanka Qaran ka dib markii ay aragtay jedwalka hirgelinta doorashada 2016 ee ay soo gudbiyeen Guddiga Federaalka Hirgelinta Doorashooyinka Dadban (GFHDD), isla markaana arkeen Qodobka 91-aad ee Dastuurka Federaalka ee qeexaya in laamaha dowladda Federaalka ee Jamhuuriyaddu ay ku kooban tahay afar (4) sano oo ka bilaabanta maalinta xilka loo dhaariyey, maankana ku haya in duruufaha jira awgeed ayan suuragal ahayn in doorasho la qabto inta ka harsan muddada xilheynta ee laamaha dawladda ee hadda jira (Baarlamaanka Federaalka iyo Madaxweynaha). Madashu waxa ay tixgeliyeen in ay lagama-maarmaan tahay in muddada gaaban ee kala guurka ah looga gudbo si huwan nabaadiino iyo xasillooni, aysan dhicin firaaq hay’adeed ku yimaada jiritaanka laamaha dastuuriga ah ee Dowladda Federaalka. Madashu waxay guddoomisay in laga billaabo taariikhda ay ku dhammaaneyso muddada xil-heynta laamaha dawladda, ay xilka u sii hayn doonaan ilaa iyo inta natiijada cusub ee doorashada ee laamaha dastuuriga ah lagu dhawaaqo, sida ku cad jadwelka ay soo saareen (GFHDD).

1. Dhammeystirka Dib-u-Eegista Dastuurka

Madashu waxaa ay si wadjir ah u bogaadinayaan Guddiga dib u eegista dastuurka ee Baarlamaanka federaalka, Guddiga Madaxa Bannaan ee dib u eegista dastuurka iyo Wasaaradda dastuurka shaqada wanaagsan ee ka soo qabteen dib u eegista dastuurka , waxa ay soo jeedineysaa in ay lagama-maarmaan tahay in howlaha dib-u-eegista dastuurka ee qabyada ah uu dhameystiro Baarlamaanka 10naad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dhawaan la dooran doono, isla markaana uu tixgelin iyo mudnaanta koowaadba siiyo Qaraarka iyo lifaaqyada uu Baarlamaanka 9aad ku ansaxiyey kalfadhigiisa 8aad ee 2016.

1. Adeegsiga Nidaamka Awood-qaybsiga 4.5 oo looga Gudbo Dhisidda iyo Hirgelinta Axsaabta Siyaasadeed

Madashu waxaa ay soo dhaweynayaan mabda’a dimoqraadiga ah ee suurtogalinaya in shacbigu helo fursad uu madaxdiisa si caadil ah ugu kala doorto barnaamijyo siyaasadeed oo ay ku kala tartamayaan axsaab siyaasadeed taasoo ah dariiqa ugu habboon ay Soomaaliya uga bixi karto nidaamka doorashooyinka ku saleysan 4.5 ee lagu soo meelgaaray. Sidaa darteed, Madaxda Madasha Qaranku waxaa ay isku raaceen in la horumariyo dhisidda iyo diiwaangelinta axsaabta siyaasadeed muddo labo sano gudahood ah, ka bilaabata taariikhda la doorto Baarlamaanka 10aad. Haddaba si arrintan loo hirgeliyo qof kasta oo Musharrax ah, oo u tartamaya kuraasta labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka midkood waxaa laga doonayaa inuu saxiixo afti qoraal ah oo uu ku caddeynayo in uu labo (2) sano gudahood, ka bilaabata maalinta la dhaariyo Baarlamaanka 10aad uu xubin ka noqonayo mid ka mid ah axsaabta siyaasadeed ee sharci ahaan dalka ugu sameysmay, Baarlamaankana ku matali doono xisbigiisa. Xildhibaanada ku guuleysta doorashooyinka ee aqalada Baarlamaanka ee Soomaaliya ay ka mid noqon doonaan axsaabta siyaasadeed ugu dambeyn 20ka Oktoober 2018. waxaa laga doonayaa in xafiiska Guddoonka Baarlamaanka geeyo caddeyn xisbiga siyaasadeed uu xildhibaanku xubinta ka yahay, Golahana ku matalaayo. Xildhibaankii ku biiri waaya xisbi siyaasadeed muddadaas ka dib waxey sababeysaa xil-waayid xubinimada golaha Xildhibaanku ka tirsan yahay, kursigaasna doorasho loo diro.

1. Arrimaha khuseeya Guddiyada Doorashada:

a. Madashu waxay dhameystirtay, magacyada xubnaha Guddiyada Doorashada ee heer Dawlad Goboleed (GDHGDG).

b. Madashu waxay soo saartay tirada iyo magacayada xubnaha guddiga khilaafaadka, waxayna ka dhigtay tirada 21 xubnood halka ay markii hore ka aheyd 11 xubnood. Sagaal (9) ka mid ah guddiga waxaa soo magacaabeysa Dowladda federaalka ah, halka ay min laba (2) xubnood soo magacaabayaan Dowladaha xubnaha ka ah ama ka mid noqon doona Dowladda Federaalka ah.

c. Madashu waxaa ay go’aamisay in xarun walba oo doorasho la geeyo 3 xubnood oo guddiga xallinta khilaafaadka ah waxayna ku go’aan qaadanayaan cod hal dheeri ah.

d. Madashu waxa ay go’aamisay in ciddi cabasha qabta oo u gudbaya guddiga xallinta khilaafaadka la furi karo oo kaliya marka qofka cabashada qaba bixiyo khidmadda furidda gal-dacwadeedka $1,000 (kun oo doolar).

1. Arrimaha Haweenka Musharixiinta ah ee u Tartamaya Labada Aaqal

a. Sidoo kale, waxay madashu ku adkeynaysaa odayaasha dhaqanka iyo guddiyada doorashada inay xaqiijiyaan arrimaha soo socda:

b. Xubnaha Xildhibaanada Golaha Shacabka ee la doortay, 30% waa in ay ahaadaan haween .

c. Afarta beelood, beeshiiba haweenka la doortay waa in ay noqdaan 18 xubnood (4X18=72).

d. Beesha shanaad, haweenka la doortay waa in ay noqdaan sagaal (9) xubnood.

e. Si sare loogu qaado fursadaha haweenka ee doorashada 2016, madashu waxa ay go’aansatay in khidmadaha murashaxnimo ee haweenka hoos loo dhigo 50%, si loo dhiirrigeliyo taabbagelinta qoondada haweenka ee Baarlamaanka Federaalka

f. Ergada doorashada ee beel walba oo ah 51 xubnood, ugu yaraan 30% waa in ay noqdaan haween.

g. Xubnaha loo soo sharaxayo aqalka sare, 50% waa in ay noqdaan haween.
2. Arrimaha Beesha Banaadiriga

a. Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federalka, isagoo la tashanaaya odey dhaqameedyada beelaha Banaadiriga ee ku jira liiska 135ta oday dhaqameed iyo nabad-doonnada beesha, waxaa uu soo magacaabayaa afarta (4) xubnood oo ah guddiga doorashada ee beesha Banaadiriga

b. Seddexda (3) Oday dhaqameedyada Banaadiriga ee ku jira liiska 135ta oday, iyagoo la tashanaaya Raisul Wasaaraha Xukuumadda iyo Guddiga Doorashada beesha Banaadiriga, waxa ay soo xulaayaan 21 Ergo-doorasho oo ku saleysan toddobo beel hoosaad oo min saddex xubnood ah (7X3=21).

c. Ergada-doorasho ee ah 21 xubnood ayaa u codeynaaya musharixiinta u tartamaaya in ay ka mid noqdaan Aqalka Sare.

d. Odayaasha dhaqanka Beesha Banaadiriga ee ku jira liiska 135ta xubnood oo la tashanaya nabadoonnada beelaha Banaadiriga ah ayaa soo magaacabaya musharixiinta u tartameysa Aqalka Sare.

e. Ugu dambeyn waxaa Odayaasha dhaqanka loo xilsaaray inay qaybinta kuraastaasi ka soo wadatashadaan meelmarinta kama dambeysta ahna ku soo wargeliyaan R/Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

1. Shuruudaha Codeynta

a. Doorashada halkii kursi ee Golaha Shacabka waxaa ay ansaxeysaa marka ugu yaraan labo musharax ay u tartamaan.

b. Madasha waxaa ay go’aamisay in 51 ergada u codeyneysa halkii kursi ee Golaha Shacabka ay dhammaantood goobjoog ku noqdaan xarunta doorashada ka dhaceyso si ay u codeeyaan.

c. Haddii beesha kursiga leh ay tirada 51 ergo ay buuxin weydo, dib baa loo dhigayaa kursigaas, waxaana la siinayaa fursad ay ku soo dhammeystiraan tirada 51 ergo muddada doorashadu socoto,

d. Haddii aysan buuxin tirada ergada 51 ee u codeyneysa kursiga xubinimada golaha shacabka muddada doorashadu socoto, kursigaas waa la laalayaa.

1. Arrimaha Shabeelaha Dhexe iyo Hiiraan

a) Madashu waxey xakuumadda Federaalka ah ku adkeyneysaa in la xaqiijiyo dhismaha maamulka gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe inta ka horreysa xilliga doorashada.

1. Kuraasta Aqalka Sare ee Beelaha Somaaliland

Madasha Madaxda Qaranka oo tixgalineysa go’aanadii ka soo baxay kulankii Baydhabo kuna saabsanaa xalinta saami-qeybsiga iyo hannaanka doorashada xubnaha Aqalka Sare ee Somaliland iyo sidoo kale heshiiskii 12 Abriil 2016 doorashooyinka dadban ee 2016 iyo hannaanka dhismaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka oo qeexaysa“Dawlad goboleedyada hadda jira ama dhismaya waxay samaysanayaan qaab ay kuraasta ugu qaybiyaan beelaha/dadyowga ama deegaanada, qaabkaas oo ah mid isku dheelitiran oo loo wada dhan yahay, iyadoo la hubinayo in dadka laga tirada badanyahay ay helaan metelaad ku filan”. Madashu waxay go’aamisay in qoondada 3-da kursi ay qoonda ahaan u leeyihiin beelaha Sool, Bariga Sanaag iyo Buuhoodle oo hal kursi ka mid ah ay leeyihiin beelaha laga tira badan yahay ee deggan degaannadaas.

Waxay sidoo kale Madashu go’aamisay in 2 xubnood lagu kordhiyo tirada kuraasta ay qoonda ahaan beelaha Soomaaliland ku leeyihiin Aqalka Sare ee Baarlammaanka Federaalka.

Ugu dambeyn waxaa Odayaasha dhaqanka loo xilsaaray inay qaybinta kuraastaasi ka soo wadatashadaan meelmarinta kama dambeysta ahna ku soo wargeliyaan Xafiiska Madaxweynaha Jumhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xafiiska Guddoomiyaha

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Xafiiska R/Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya

1. Arrimaha Jadwelka Doorashada

Madashu waxay ay ansaxiyeen jadwalkan wakhtiyeysan ee doorashada 2016ka ee ay soo gudbiyeen GFHDD:

a. Doorashada xubnaha Aqalka Sare in ay dhacdo 25ka September

b. Doorashada xubnaha Golaha Shacabka in ay dhacdo September 24-10ka Oktoobar

c. In xildhibaanada la dhaariyo 20ka Oktoobar

d. In la doorto Guddoonka Baarlamaanka 25ka Oktoobar

e. Doorashada Madaxweynahana in ay dhacdo 30ka Oktoobar

1. Mahadcelin

Madashu waxaa ay u mahadcelineysaa Safiirada idman ee haweenka Somaaliyeed oo runtii muujiyey howlkarnimo iyo in ay ka go’an tahay ka gun gaaridda qoondada haweenka ee 30%.

Madashu waxaa sidoo kale u mahadcelineyaan Guddiga Federaalka ee Hirgelinta

Doorashooyinka Dadban (GFHDD) shaqadii wanaagsaneyd ee ay qabteen muddadii yareyd ee ay jireen.

Madashu waa ay u mahadcelineysaa beesha caalamka oo had iyo goor la garab taagan taageero dowladda federaalka ee Soomaaliya.

Madashu waxaa ay isku raacday in shirka Madasha ee soo socda lagu qabto Muqdishu bisha 07- 09- 2016.

Bogga Hambalyada

Xayesiin

A/C. Waxaan idiin heynaa Biraha Cagafyada (tractors Parts).

Cagafyadaas oo kala ah: Fiat, Ford, John deere,New Holland, iyo kuwa kale oo badan.

Dalabkaaga waxaad kusoo diri kartaa E-mailkaan: geeddow@gmail.com

Xeyeysiis Ganacsi

  • KU XAYEYSIISO BADEECADAHAAGA  HALKAAN
  • KU XAYEYSIISO BADEECADAHAAGA  HALKAAN
  • KU XAYEYSIISO BADEECADAHAAGA  HALKAAN
  • KU XAYEYSIISO BADEECADAHAAGA  HALKAAN
  • KU XAYEYSIISO BADEECADAHAAGA  HALKAAN